Shacabka Ku Dhaqan Deegaanka Tooxin Oo Cabasho Ka Muujiyey Kooxo Jiriif Ka Wada Badda Deegaankaasi
Shacab weynaha ku dhaqan deegaanka Tooxin ee gobolka Bari ayaa ka cabasho balaadhan ka muujiyey doonyo la sheegay in laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen kuwaas oo jiriif ba'an ku haya badda deegaankaasi.
WAR DEG DEG AH Ciidamada Raaskambooni oo maanta dad shacab ah ku laayay magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Raaskambooni ay maanta dad shacab ah ku dileen suuq ku yaala magaaladaasi.
Sirdoonka Dawlada oo ka digay Qiyaano cusub oo Al Shabaab soo abaabushay kuna wajahan Magaalada Kismaayo!!
Laamaha ugu sareeya hay'adaha Sirdoonka Dawlada gaar ahaan kuwa amniga ayaa ka digay qorshe cusub oo ay diyaariyeen maleeshiyaadka Al Shabaab kuwooda ku sugan gobolada Jubooyinka gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleeysanaya magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.
Axsaab siyaasadeed oo ku baaqday in Baarlamaanka Soomaaliya loo daayo la xisaabtanka Xukuumadda
Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa kulan ay ku yeesheen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen baaq ay ku sheegayaan in in golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo madax-banneeyo la xisaabtan xukuumadda, asxaabtan oo kala ahaa: isbaheysiga nabadda Soomaaliyeed, xisbiga Sahan Qaran, Xisbiga Somali Social Unity (SSUP), Naadiga Nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed iyo Midowga Xisbiyada Isbedel doonka ah, kuwaas oo dhammaantood ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab habeen hore saqdii dhexe ku dhex-maray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, dagaalka oo ahaa mid culus ayaa qarxay kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada dowaldda ku lahaayeen duleedka degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Mid ka mid ah ergadii shirweynaha Jubbaland oo Kismaayo lagu dilay iyo warar sheegaya in loo…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in la diley mid ka mid ah ergaddii u codeysay Sheekh Axmed Madoobe in uu noqdo madaxweynaha Jubbaland, ninka la diley oo ah nin oday ah si weyna looga yaqaanay gobolada jubboyinka dhexdooda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Mahdi waxaana uu shirka ka soo aaday oo ka yimid dalka Koonfur Afrika.