Gaarisa oo howlgalo ay ka socdaan kadib Askar Kenyan ahaa oo lagu dilay halkaasi (Warbixin Kooban)
Ciidamada Amaanka dawlada Kenya ayaa waxay howlgalo saaka ka wadaan magaalada Gaarisa ee gobolka Wuqooyi Bari Kenya kadib dilal xalay halkaasi ka dhacay.
General Maalin oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in Muqdisho lagu dilay gabar wariya ah.
Taliyaha Police-ka gobalka Banaadir, Janeral Axmed Xasan Maalin, ayaa waxa uu ku tilmaamay arin xaqiiqada kafog oo been abuur ah warar ay baahiyeen war-baahinta gudaha iyo dibadda kaas oo ku aadanaa in gabar Soomaaliyeed oo saxafiyad ah ay kooxa bastooladu ku hubeysan ay ku khaarijiyeen Muqdisho.
Maamulladii gobolka Bay iyo degmada Baydhabo oo la dhaariyey iyo Jawaari uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
Waxaa shalay la dhaariyay maamulka gobalka Bay iyo kan degmada , kadib markii la xaliyay khillafkii taagnaa ee qaar ka mid ah xildhibaannadii joogay magaalada Baydhabo ay isku haysteen, iyadoo la magacaabay guddoomiye ku xigeenkii gobalka Bay, kaas oo loo magacaabay, Shiine Macalin Nuurow, iyadoo isla markaasna loo dhaariyay.
Midowga Afrika oo ka hadlay dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida loo maareyn doono marka la gaaro…
Ka dib kulan ay yeesheen wadamada qeybta ka ah Ururka midowga Africa ayaa kulankooda waxa ay ku lafa gureen sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamada Africa ee Soo koraya, kulanka ayaa waxaa isugu yimid wasiirada maaliyada ee wadamada Africa (ECA), waxayna inta uu kulanka socday si weyn kaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha dhaqaalaha wadamada Qaarada Africa, gaar ahaan kuwa haatan Soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.