Maxkamadda Hargaysa Oo Ku Xukuntay Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle Hal Sano Oo Xadhig Ah Oo Aan La Iibsan Karin & Hal Milyan Oo Ganaax Ah
Maxkamadda gobolka waqooyi galbeed ee magaalada Hargaysa ayaa xukun hal sano oo xadhig ah oo aan la iibsan karin iyo hal milyan oo ganaax ah ku riday Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle kaas oo sida uu garsooraha dacwadaasi qaadayey sheegay in lagu helay danbiyada ay xeer ilaalintu ku soo eedaysay.
Shirkada Google oo Maalintii shalay ka naxsatay Malaayiin Qof oo kunool Dunida Dacaladeeda
Shirkada ugu balaadhan baahinta iyo baadhista internet-ka ee Google ayaa April 1, 2013 soo saartay bayaan ay ku sheegayso isla markaana ay macaamiisheeda kala duwan kula socodsiinayso in gabi ahaanba albaabada muddo toban sanadood ah u laabayso shabakada muuqaalada iyo filimada loo isticmaalo ee youtube, oo ka mid ah isla Google.
Gaalka Gaalada Ugu Sareeya Oo Lugaha U dhaqaya Gabadh Muslim ah (VIDEO)
Gaalka Ugu sareeya Diinta Christian-ka ayaa la soo wariyay in Maalintii Good Friday-da uu Lugaha u dhaqay dad badan oo ay ka dhex muuqatay Gabadh Muslimad ah.
Carruur Agoon ah oo ku dhintay Dab ka kacay iskuul ay wax ka baranayeen
Inta la xaqiijiyey 13 carruur ah ayaa ku geeriyootay markii dab uu ka kacay iskuul islaami ah oo ay wax ka baranayeen mid ka mid ah magaalooyinka ugu weyn dalkaasi Myanmar.