MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Raisul wasaare Saacid “Waa sii socon doonaa isbedelka lagu sameynayo taliyeyaasha ciidamada dalka”
Raisul wasaaraha xukuumada Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay inuu sii socon doono isbedelka lagu sameynayo saraakiisha hogaamisa dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada.

Saacid oo ka hadlayey munaasabad lagu dhaarinayey taliyaha iyo Abaanduulaha cusub ee ciidamada milateriga dowlada oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyda ee magaalada Muqdisho ayaa ku amaanay saraakiishii la bedelay guulaha ay ka soo hoyeen nabad ku soo dabaalida dalka iyo la dagaalanka wax uu ugu yeeray kooxaha nabada diidan.

“Isbedelka lagu sameynayo hogaanka qeybaha kala duwan ee ciidamada intaas kuma ekaan doono waa sii soconayaa, taas macnaheeduna maaha iyo saraakiisha xilalka laga wareejiyey ay waxba qaban waayeen, maadaama aynu galnay xili cusub waxaynu u baahanahay feker cusub oo wax sii horumariya” ayuu intaa ku daray raisul wasaaraha.

Raisul wasaaraha ayaa ugu baaqay saraakiisha cusub iney ka shaqeeyaan wanaajinta hab dhaqanka iyo aaminaada ciidamada, ayna ka taxadaraan in hubka loo fasaxay uusan u gacan gelin gacmo aan loogu talo gelin, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta ayuu yiri kalsooni daro dowlada oo dhan saameyneysa oo ka timaada bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka sida uu yiri.

Shalay ayey aheyd markii dowlada Somalia ay sameysay isbedelkii ugu horeeyey oo saameeyey ciidamada milateriga, waxaana xilalkii laga qaaday taliyihii ciidamada XDS iyo abaanduulihii ciidankaas, iyagoo isla shalay xilalkii ku wareejiyey saraaakiil cusub oo lagu bedelay, lamana oga isbedelka ay la iman doonaan saraakiishan cusub ee la wareegtay hogaanka ciidamada.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,533,364 unique visits Top