MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Taliye sare oo ciidamada dowladda oo la dilay iyo mid ka mid ah Guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ka badbaaday weerar lagu dili lahaa
Kooxo Dhalinyaro ah oo watay bambaanooyin ayaaxalay waxa ee weerareen Guriga uu dagan yahay Gudoomiyha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), dhalinyaradan oo la sheegay in ay ahaayeen ilaa labo Wiil oo Dhalinyaro ah ayaa Bambaanooyin ku weeraray Guriga Gudoomiyaha Degmada Waabari,waxaana lasheegay in Bambaanooyinkaasi ay ku dhaawacmeen dhoor qof kuwaas oo aan la ogeyn inay kamid ahaayeen dadkii ku sugnaa guriga la weeraray iyo inay ahaa yeen dad goobo kale ku sugnaa.

Guddoomiyaha waabari Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay Weerarkan lagu doonayay in lagu khaarajiyo ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray isaga iyo ciidankiisaba balse ay dhaawacyo kasoo gaareen dad rayid ah oo daris lahaa gurigiisa sida uu yiri, Gudoomiyaha ayaa xusay in mid kamid ah Ragii Bamka kusoo weeraray gurigiisa la qabtay isaga oo bambaano kale gacanta ku wata haddana sida uu yiri baaritaano lagu hayo ,wuxuuna guddoomiyuhu ku dooday in kii kale ee la socday ku dabajiraan kaas oo uu sheegay inuu baxsaday

Dhinaca kale Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dharkeynley xalay maqribkii lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowladda soomaaliya ,kaas oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada badda gobolka banaadir oo lagu magacaabi jiray Col. Maxamuud Gaafow, Sarkaalkan waxaa dilay kooxo bastoolado ku hubeysan, iyadoo falka ka dib ay goobta isaga baxsadeen, sida dad goob joogayaal ah laga soo xigtay.waxaana la sheegay in wax yar kadib ay halkaasi soogaareen ciidamo katirsan kuwa dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyey lamana sheegin cid loo qabtay dilkaasi ilaa hadda.

Dhanka kale Salaadii maqrib ee xalay kadib ayaa waxa laga maqlay saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlayey xaafadaha ku dhow degmada Heliwaa iyo kuwa ka fog fog intaba Qaraxa oo ahaa bambaanada gacanta laga tuuro ayaa waxa lagu weeraray saldhiga gudahiisa mana jirin xabado badan oo ciidamadu fureen markii qaraxa uu dhacay waxaana badi dadka kusugnaa Suuqa degmada Heliwaa ay mar kaliya noqdeen kuwo ganacsigoodii xiray oo halkaasi isaga tagay, lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi lagu weeraray Saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxaase la sheegay in ciidamo badan oo kuwa dowladda ah ay tageen goobtii uu qaraxu ka dhacay lama sheegin wax dad ah oo ay halkaasi ka qabteen.
Comments
Render time: 0.15 seconds 4,493,516 unique visits Top