LIVE: Isbahaysiga Raila oo dalbaday in la joojiyo tirinta codadka doorashadii dhacday ‘Sababta”
War goordhow ay soo saareen isbahaysiga Cord ee uu musharaxa uyahay Raila Odinga ayaa waxaa ay dalbadeen in si deg deg ah loo joojiyo tirinta codadka.
Live broadcasting by Ustream
Kalonzo Msuyoka oo ah ninka usharaxan madaxweyne kuxigeenka Raila Odinga ayaa tilmaamay in gudiga doorashada ,(IEBC) ay qataaan eedeynta ah in wax la isdaba mariyay
Arimaha uu soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah in tirina codadka deegaanada qaar ay yihiin kuwa aan lagu qanci karin taas oo xitaa loo diiday wakiilada isbahaysigooda in ay marqaati ka noqdaan tirinta deegaanadaas oo uu kasoo hadal qaaday Kijaido South
Goobaha uu tilmaamay in wax la isdaba mariyay ayaa waxaa kamid ah Bureti, Kajiado south, Runyenjes, Wajir North iyo deegaanka Kathiani.
Si kastaba gudiga doorashada Kenya ee IEBC ayaa daabacay in Kajiado South ay iska dii waangeliyeen dad gaaraya 46,388. waxaana tirada la xisaabiyaya ay tahay 42,276.
Ilaa iyo haatan waxaa la xisaabiyay deegaano gaaraya 110 deegaan oo kamid ah 291 deegaan ee Kenya waxana hogaanka haya Uhuru Kenyatta oo haysta 2,660,370 waxaana kusoo xiga Mr Odinga’s 1,996,180.
Hadalka kasoo baxay isbahaysiga Jubilee ayaa kusoo aadaya iyadoo dadka Kenyanka ah ay dareen xoogan ka qabaan in ay dhacaan wax lamid ah doorashadii 2007-dii.
Hase ahaatee amaanka ayaa umuuqda inuu yahay mid aad loo adkeeyay.