MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qeyb ahaan qaaday cunaqabteyntii hubka Soomaaliya iyo wixii laga yiri oo…
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay shalay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabataynta hubka dalka Soomaaliya, waxaana Fadhi uu shalay yeeshay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal uu si wadajir ah ugu codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey dowladda ingiriisku , waxaana Golaha Amaanku isku raacey in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.

Qaraarka cusub ee lanbarkiisu yahay 2093 ayaa dhigaya in muddo sanad ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii, waxaana qaraarkani dhigayaa in hubka qaarkiis sida Miinata loo yaqaan Anti-Tank oo si weyn waxyeelo u garsisa dadka rayidka ah, Hoobiyaasha, gantaalada diyaaradaha lagu soo rido, madaafiicda Hawsarka loo yaqaan, iyo kuwa goobta, waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Mdoobey koox ay u magacaabtey in aan lagu xadgudbin, la gadi karin lana wareejin karin. Qaraarkan cusub ayaa la sheegay in uu yahay mid tijaao ah isla markaana la eegi doonaa qaabka dowladdu u maareyso hubka gacanteeda soo geli doona.

Danjiraha dalka Ingiriiska ee Golaha Amaanka Qaramada midoobay oo ah dalka golaha amaanka hor-dhigay qaraarka ah in cunaqataynta hubka laga qaado Somaliya Mark Lyall Grant oo markii go’aankani soo baxay hadlay ayaa yidhi “Golaha amaanku si miisaamin ayay yeeleen (ayay cunaqataynta u qaadeen), wuxuuna intaasi ku daray in go,aankaan u jeedkiisu yahay in dowladda soomaaliya ay ciidamadeedu dhisto isagoo xusay in aan la iska fasaxin hub ee ay jiri doonaan guddiyo howshaasi la socda.

Dhinaca kale Waxaa soo dhaweeyey go’ankan cusub Dowladda Maraykanka waxaana Safiirka Qaramada Midoobey u fadhiya Susan Rice ay sheegtay in dowladda mareykanku ay si weyn u taageersan tahay qaraarkani islamarkaasna aysan ogolaadoonin in hubkani uu dhaafo sida ay tiri gacanta xukuumadda soomaaliya.

15-ka dawladood ee xubnaha ka ah golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay qaadista xayiraada. Waxaana go’aanka ku dhawaaqay wakiilka dawlada Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vitally Charkin oo sheegay in qararaarkan oo tirsigiisu yahay 2093 uu helay 15 cod oo ah inaysan jirin dawlad diiday oo golaha amaanka ka mid ah.

Hubka iyo qalabka cidda bixinaysa ama laga gadaayo waa inay qaramada midoobay ogaysiiyaan mudo shan maalmood ka hor inta ayna dalka gayn, cadadka qalabka, noocyadiisa, qiimaha, goobta la gaynaayo iyo goorta la gaynaayo.

Dawladda soomaaliya waa inay war galisaa golaha amaanka qalabka loogu deeqo ama ay soo iibsato, meelaha lagu kaydinayo, cidda loo dhiibayo marka la isticmaaliyo iyo cidda gacanta ku haynaysa cafidistiisa iyo dhawristiisa.ayaa lagu yiri qoraalka ka soobaxay golaha ,waxaana arrintani ay u saamaxeysaa dowladda soomaaliya inay dhisto ciidamadeeda.

Dhinaca kale go,aanka cunaqabteynta hubka looga qaaday soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay madaxweynaha ,ra,iisulwasaaraha iyo wasiirka gaashaandhiga, waxaana ugu horeyn ka hadlay madaxweyne xasan sheikh oo yiri “Waxaa jirto xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas.Golaha Amaanka Go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka cusub ee siyasadeed ee ka jira Soomaaliya.” Cunuqabateyntan ayaa Golaha Amaanka si qeyb ah uga qaadeen Dowladda Soomaaliya.

“Kumanaan Ciidamadda Xooga Dalka oo ay soo tababreen dalalka aan saaxibada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib daro qalab la’aan ayaa caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan . Ciidamadaan ayaa si wada jir ah howlaha amniga ula fuliyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM”

“Dowladda waxey u mahad celineysaa Golaha Amniga , qadarintooda iyo fahamkooda,waxeyna Dowladda Soomaaliya masuuliyad iska saareysaa dhamaan sharciyadda iyo sharuudaha la socda go’aanka Golaha Amniga ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan”.

Waxaa sidoo kale Go’aankan si weyn u soo dhaweeyey Raysalwasaare Cabdi Faaraxc Shirdoon oo ku tilmaamey guul u so hoyatey Soomaaliya, isagoo xusay in ay tani horseedi karto dhismaha ciidan wax ku ool ah ooay soomaaliya yeelato kuna filan inay kaligood sugaan ammaanka dalka

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga soomaaliya ayaa sheegay inay aad u soodhaweynayaan go,aanka golaha Ammaanka ee qaramada midoobay wuxuuna intaasi ku daray in ay arrintani u horseedeyso dowladdiisa inay dib u dhisto ciidamo hanankara amaanka dalka.

Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin xaaji maxamuud fiqi waxa uu sheegay inay hubkaasi u dalbadeen si ay udhisaan ciidmo ay soomaaliya leedahay, ciidamadaasi ay noqdaan kuwo ku filan amaamka dalka ,waa in la ogaa marka ciidamada la dhiso ayaa dalka lagu soocelinkaraa amnigii iyo kala dambeyntii.

Waa la ogyahay ayuu yiri wasiirku dagaalka soomaaliya maanta ka socdaa inuusan soomaali u dhaxeynin sidaa owgeed uusan garain Karin qof soomaali ah sabab uu uga soo horjeesto in la qaado cunaqabteynta hubka ee saaran soomaaliya ayuu uga jawaabay su,aal laweydiiyey wasiirka oo aheyd in qaar ka mid maamulada dalka ka jiraa ay ka biyo diideen cunaqabteynta hubka ee saaran soomaaliya.

48 saac ka hor intii aanu soo bixin go’aankan golaha amaanka qaylo dhaan ba’an ayaa ka soo yeertey hay’adaha xuquuqda aadamaha kuwaasi oo dalbaday inaan la qaadin xiligan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd mudada ka badan 20-ka sano, sidoo kale maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa muujiyey inaanay raali ka aheyn in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo dalbadey in go’aankaasi aan waxba laga badalin.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,553,915 unique visits Top