MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Faysal Cali Waraabe:- Shirka wadatashiga Somaliland waxaan ku casuumeynaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof. Cali Khaliif Galeyr
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa khudbad uu ka jeediyay dalka Holland waxa uu ka sheegay in uu abaabulayo shir wada tashi oo ay isugu imanayaan aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa waxa uu sheegay in Shirkan ay ku casuumayaan Prof Axmed Ismaciil Samatar iyo Prof Cali Khalif Galeydh.oo ah xildhibaano katirsan dowladda soomaaliya kuwaas oo ah kuwo mabda,aahan aamisan soomaaliweyn

Shirkan ayuu Faysal Cali Waraabe sheegay in looga gol leeyahay in lagu lafo guro ayaaha Somaliland, wuxuuna yiri “Labadaba Cali khaliif iyo Axmed ismaaciil samatar Waxa aan weydiin doonaa in ay jirto in Soomaaliya iyo Somaliland aanu lixdankii ku bahoownay iyo in kale,Cali Khaliifna waxaan leeyahay in aanu gobol noqono iyo in aanu Qaran noqono kee la inoo qaatay?”ayu yiri Guddoomiyaha UCID.

“Cali khaliif galeyr haddii uu ina qancin waayo waxaan leeyahay dee saaxiib igu soo daba fely”ayuu yiri feysalcali waraabe oo ssheegin waxa uu ula jeedo igu soo dabafeyl wuxuuse ku dooday in dhulkii uu gumeystay ingiriisku ee hal mar xoriyadda qaatay uusan marna qeybsameynin kaas oo uu sheegay inuu hadda ku egyahay meel u dhow garoowe isagoo aan dhinaca kale soo hadal qaadin mamulkii uu sanadka hor wax ka dhisay dr.cali khaliif galeyr ee khaatumo kaas dagaallo la galay maamulka Somaliland

Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in Shirka wada tashiga oo uu sheegay in looga hadlayo aayaha dambe ee Somaliland lagu qaban doono dalka imaaradka carabta ama magalada London ee dalka imngiriiska mid kood.isagoo aan cayim waqti rasmi ah oo shirkaasi la qabanayo.
Comments
Render time: 0.79 seconds 4,552,962 unique visits Top