MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Prof. Gaandi oo hadlay shirka Kismaayo sheegayna inuu…
Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Jubbooyinka, islamarkaasina ka mid ah dadka hormuudka ka ah qorshaha maamul u samaynta Jubbooyinka ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta qaarkeed waxa uu ka hadlay shirkii dhawaan Kismaayo ka furmey.

Waxa uu si weyn u difaacay shirkaasi oo uu ku tilmaamay mid dadka deegaanka ay aayahooda kaga tashanayeen, waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay kasoo qeybgasho, islamarkaasina hogaamiso shirka isagoo xusay inuu aamin san yahay shirkaasi uusan joogsan doonin oo uu dhamaan doono waqtigii loogu talo galay.

Waxa uu carrabka ku dhuftey in uu isaga ka maqnaa furitaankii shirka, taasina aysan jirin wax ku jaban, waxaa sidaasi la mid ah ergadii Gedo ku maqneyd oo uu sheegey in ogolaanshahooda shirka lagu furey, isaga iyo iyaguna ku laabanayaan Kismaayo oo ay shirka xaadirayaan

Mar laweydiiyey cidda maalgelineysa shirkaasi ayuu yiri “Shirka waxaa maalgalinaya ganacsatada Jubbaland’ waayo ayuu yiri dadka shirka qabanayaa horey ayey isugu tashadeen ,wuxuuna intaasi ku daray in dadka deegaankaasi ay ka go,antahay sida uun yiri inay shirkaasi ka miro dhaliyaan.

28dii bishan ayay ahayd markii uu magaalada kismaayo ka furmay shir la sheegay in maamul loogu samaynayo gobolada Jubbooyinka iyo gedo inkastoo ay shirkaasi ka hor yimaadeen qaar kamid ah beelaha dega gobolada jubbooyinka iyo gedo sidoo kalena dowladda soomaaliya ay ka biyo diiday shirkaasi ayna sheegtay inuu shirkaasi uusan waafaqsaneyn qorshaha la doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada dalka.

Dhinaca kale wararka naga soogaaraya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in hal
qof uu ku geeriyooday saddex qof oo kalena ay dhaawacmeen kadib markii uu shalay galab askari ka tirsan ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo uu rasaas ku furay goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo.waxaana la sheegay in qofka dhintay iyo dadka kale ee dhaawacmayba ay isugu jiraan ganacsatadii iibinaysay qaadka iyo dad kale oo goobta ka agdhowaa.

Sida warku sheegayo askariga falka geystay ayaa doonayay in uu dhac u geysto dadkii qaadka iibinayay.waxaana la sheegay in markii uu falkaasi isugu jira dhimashada iyo dhaawaca uu goobtii ka fakaday askarigii dilka geystay ilaa haddan lama sheegin in la qabtay ninkaasi iyo in kale
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,553,080 unique visits Top