MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dowladda Talyaaniga oo taageertay howlgalada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Talyaaniga Giulio Terzi,ayaa sheegay in ay taageersan yihiin howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya kaasi oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo hanaanka xukuumada Soomaaliya dhaliilsan.

Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Talyaaniga oo kulan la yeeshay xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon, ayaa si weyn u taageeray howlgalka Ciidamada Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya, kuwaasi oo loogu Magacdaray AMISOM.

Mr Terzi,ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan uu u socda howlgalka AMISOM, islamarkaana la dhacsan yihiin deegaanadii ugu dambeeyay ee dhawaan laga saaray Al-shabaab, isagoona tilmaamay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan AMISOM.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Talyaaniga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in Midowga Yurub iyo wadankiisa qeyb weyn ka qaateen hanaanka Nabada loogu soo dabaalayo Soomaaliya, sheegayna in ay Sii laba jibaari doonaan caawinaada Malitari iyo Mida Maaliyadeed ee ay siinayaan Xukuumada Soomaaliya iyo shacabkeeda si ay u hantaan hogaanka dalka.

Dowlada Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay ayaa isku raacay inay xal Siyaasadeed u raadiyaan dhibaatooyinka soojiitamyey mudada dheer ee ka jira Soomaaliya iyo sidii looga salgaari lahaa, ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero Malitari ka helaya AMISOM, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay isku balaarinayay deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo horay ay ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,569,760 unique visits Top