MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Qodobada heshiis ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhameystiran
Wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud, ayaa wararka laga hellayo degmada Cabud-waaq waxaa ay sheegayaan in halkaa ay heshiis rasmi ah ku gaareen wafdiga xukuumada iyo maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Munaasabad habeen hore ka dhacday degmada C/waaq ayaa lagu soo bandhigay heshiis qodobo badan ka kooban oo habeen hore dhexmaray labada dhinac waxaana qodobadaasi oo aad u badanaa ka mid haa.

1. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa halgankii dheeraa ee ay soo galeen Ahlus Suna Waljamaaca waxuuna noqon doonaa mid taariikhi ah.


2. In si waafaqsan Dastuurka iyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamul sameynta iyo federaaleynta dalka laga hirgeliyo maamul goboleed gobolada dhexe, kadib marka ay soo dhameytiranto wixii hindise sharciyadeed ah ee Dastuurku dhigayo.

3. In dhamaan ciidamada Ahlsu Suna, Hubkooda iyo Gaadiidkooda dagaalba lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayagoo ka mind noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidan-nimo.

4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlu suna ku galay la dagaalankii Khawaarijta Al shabaab, kharashkaas oo dhan 5 Million oo dollar, waxaana leysla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.

5.Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlu suna gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.

6. Dowladdu in daryeel u fidiso agoontii iyo naafadii ku wax yeeloobay halgankii dheeraa ee Ahlu sunna uga xoreeysay degaanada gobolada dhexe Khawaarijta Al Shabaab.

7. Dhaqangelinta iyo dabagalka heshiiskaan waxaa loo saarayaa guddi farsamo oo labada dhinac ah mudo labo asbuuc gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiskaas la kala saxiixdo.

Wuxuu dhaqan galayaa heshiiskaan marka ay saxiixaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu sunna Waljamaaca, qodobada heshiiskan kadib ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka uu ku dhawaaqay dhismaha maamulo degmooyin iyo degaano hoostaga kuwaasoo hoostagaya dowladda waxayna kala yihiin,

Degmada Caabudwaaq, Degmada Dhuusamareeb, iyo degmada Balanbal halka sidoo kale maamulo loo magacaabay degaanada kala ah, Guriceel, Xeraale iyo Dhabad, iyadoo isla saakana lagu dhaariyay degmada Caabduwaaq. waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha kale ee labada gole.

Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinacyada Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdi Cali Fiidow, waxaa kale oo goob joog ka ahaa,

Guddoomiyaha golaha Fulinta maamulka Ahlu suna Waljamaaca, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu suna Waljamaaca, Sheekh Cumar Shiikh C/qaadir, Guddoomiyaha golaha Talada maamulka Ahlu suna Waljamaaca, H.E. Cabdi Faarax Shirdoon iyo Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Comments
Render time: 0.15 seconds 4,554,452 unique visits Top