MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Wararka laga helayo Magaalladda Agrigento ee Gobolka Sicilia ee Dalka Talyaaniga ayaa waxay
sheegayaan in Dooni ka soo shiraacatay Xeebaha Libya oo ay la socdeen tiro Muhaajiriin Soomaali ah ay ku qalibantay Xeebaha Jasiirada Lampedusa.halkaasna ay dad badani ku dhinteen

Kooxaha Badda quusa ee ilaalada Xeebaha Talyaaniga (Guardia costiera) ayaa lagu soo waramay inay u gurmadeen Doonida qalibantay, waxayna soo badbaadiyeen 3-Muhaajiriin Soomaali ah iyo mid u dhashay Dalka Morooko.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay inay Kooxaha gurmadka soo saareen Meydadkii 25-Soomaali ah, iyadoo la la’ yahay 14-Soomaali ah, lama garanayo tirada rasmiga ah ee la socotay Doonidaasi oo laba maalin ka hor ka soo Shiraacatay Xeebaha Libya, kuna sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Meydadka 25-Muhaajiriin Soomaali ah la dhigay Qaboojiyaha Isbitaal ku yaala Jeziirada Lampedusa, isla markaana ku howlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa.


Ilaa 3-muhaajiriin ee uu Rabbi ka badbaaday Doonidaas qalibantay ayaa waxaa Magacyadooda iyo Da’dooda kala tahay sidan:- Maxamed Nuur Ibraahim, oo 25-jir ah, Idiriis Yoonis oo 30-Jir ah, Maxamed Cabdi Kariim oo 27-Jir ah, sidoo kale, ninka u dhashay dalka Morooko ee uu Rabbi ka badbaadiyay Shilkaasi Dooni waxaa lagu magacaaba Amiin Handa oo 25-Jir ah.

Dhinaca kale, xiriiro aan la sameynay qaar ka mid ah Soomaalida deggan Liibiya, ayaa inoo xaqiijiyay inay jirto Dooni ay Muhaajiriin Soomaali ah la socdeen oo Habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay u shiraacatay Jeziirada Lampadusa ee Talyaaniga, dadkaasi Soomaaliyeed waxay sheegeen inaysan garan karin tirada rasmiga ah ee la soctay Doonidaasi, balse ay ka badnaayen 80-qof.

Tahriib-sugayaal badan oo Soomaali ah ayaa ku sugan Dalka Libya, kuwaasi oo sheegay inay haatan deggan tahay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, isla markaana isku diyaarinayan inay u Tahriibaan Xeebaha Talyaaniga iyo Jeziirada Malta.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,541,050 unique visits Top