KAALMOY U CODEE
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Xukuumadda Soomaaliya oo maamullo KMG ah u magacowday Degmooyinka iyo deegaanno ka tiran gobolka Gaguduud
Dowladda Soomaaliya ayaa maamullo KMG ah u magocowaday maanta qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo uu socdaal ku joogo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wareegtada lagu magacaabay maamulladan ayaa waxaa ku saxiixnaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo deegananada loo magacaabay maamullada ay ka mid tahay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb ayaa waxaa loo magacaabay Macallin C/raxmaan Cali Maxamed (Geedo-Qorow), guddoomiyaha degmada Balanballe ayaa waxaa loo magacaabay, Hareeri Xasan Barre, Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ayaa waxaa loo magacaabay, Axmed Jaamac Dhirif, guddoomiyaha degmada Guriceel ayaa waxaa loo magacaabay, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

Deegaanka Xeraale ayaa waxaa guddoomiye loogu magacabaay, Bashiir Daahir Yuusuf, iyadoo guddoomiyaha deegaanka Dhabbad loo magacaabay, Aadan Gebi, Maamulladan KMG ah ee loo magacaabay deegaannada ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dowalddu ay dhawaan sheegtay inay maamullo KMG ah u magacaabi doonto gobollada dalka oo dhan.

Maamulladan ayaa waxaa bedeli doono maamullo ay shacabku soo doorteen, iyadoo maamulladii ay dowladdu magacowday ay qaarkood muran ka taagan yihiin, sida maamulka gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa waxay maanta gaareen degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo aan la ogeyn inay halkaas maamul u magacaabi doonaan iyo in kale.
Comments
Render time: 0.06 seconds 4,945,911 unique visits Top