Waxaanu halkan baaq nabaded Islaanimada ku saleeysan,
niyad samid leh,dareen wadaniyadeed,Somaalinimo leh uga
gudbineeynaa Maamuladda PL iyo Galmudug oo luqad colaadeed
iyo durbaan xiisadeed beryahan ka dhex muuqdo,anagoo si weyn
u xeerineeyna waxyaabaha badan bulshadda labadaad maamul ka
dhexeeya soo jireenka iyo astaamaha wanaagsan leh in eey
mudan tahay xeeriintooda,waxaanu uu baaqeeynaa hogaanka 2daa
Maamul,golayaasha barlamaanka,qeybaha bulshadda gaar ahaan:-
-Golaha Culimaa-udiinka.
-Golaha Dhaqanka.
-Ganacsatadda.
-Siyaasiyiinta.
-Daladaha Haweenka.
-Ururadda Dhalinyaradda.
-Abwaanadda.
-Qurba Jooga in si daacadnimo leh,caqli adeegsi leh,danta
guud ku saleeysan looga wada shaqeeyo xasiloonida,amaanka
iyo xal u raadiinta muranka ama arrinta xiisadaha jirra
abuurtay,hab wada hadal leh,kalsooni leh,dhaqan Islaanimo
ku saleeysan iyo habka xeerka dhaqan(Nabadu macaan,Colaad
Khasaare iyo Murugo xanuun badan).
Waxaanu ku baaqeeynaa joojinta ama xakameeynata luqadda
colaada iyo xiisad abuurida,ka dheeraanshaha guud ahaanba
waxyaabaha arrinta sii cakiraaya oo qiilka u noqon karaayo
inta yar oo dhibaatada iyo belaayo abuurida jaceyl,caqligu
ha taliyo,wanaagu ha guuleeyso,nabadgelayada qiimaha weyn
leh ha lagu dadaalo sii adkeeynteeda iyo garashada ahamiyada
deris,degaan iyo ehelnimo wadaaga(Alloow Nabad iyo Caano)
Aamiin,Aamiin,Aamiin.
-B A A Q N A B A D E E D.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.