Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
08-Mar Hambalyo Haweenka Somaaliyeed-Laf Dhabarka Qoyska iyo Qaranka |
|
Dhaq-dhaqaaqaSomaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada
codka,dareenka,damiirka iyo caqliga inta(Diintooda,dalka
hooyo iyo difaacida karaamadooda u taagan)sida ku haboon
u garanaaya isla markaana cod dheer ku qiraaya maqaamka,
karaamadda,xurmadda iyo milgo gobeedka Haweenka Somaliyeed
(Laf Dhabarka Qoyska iyo Qaranka)hambalyo munaasabadda 8-Mar
2013 maalinta haweenka aduunka,marna lama illaawi karaayo
kaalintii iyo doorlii haweenka somaaliyeed ka soo qaateen
halgankii xoriyadda waxaana xurmo iyo xusid-ba madan:-
-Halyeeyad Qaran-Xaawo Cismaan(Xaawo Taako).
-Halyeeyad Qaran-Timiro Cukaashe Guuleed,Sidoo kale waxaa
xusid madan-Halyeeyad-Qamar Aden Cali(dhammaantood Alle ha
siiyo naxariistii janno-aamiin).
Munaasabadda sanadkan ayaa xusid mudan in si weyn looga
gilgisho lana cambaareeyo dhibaatooyinka xad dhaafka ah
eey la kulmaayaan haweenka somaaliyeed kuwa gudaha ku sugan
waxaa si joogto ah loogu geeystaa(fara-xumeeyn xad dhaaf ah
weliba koonfunta Somaalia)Caasimada iyo agagaarkeeda waxaana
tusaale cad inoo filan dhibka,xadgudubka iyo dulmiga weyn loo
geeystay Dulman-Marwo-Luul Cali Cismaan iyo kuwo badan oo
dhigeeda ah,ayaan daradeeda in dhibkaas kuwa geeystaa yihiin
Ciidanka Qaran,sidoo kale degaanka xudun g/sool maleeshiyaadka
S/Land ku kufsadeen kuna dhileen cunug yar oo 13 jirah(Xaliimo
Xuseen Obsiiye)iyagoo alal noocaas ah ka dhaceen-Afgooye,Marka
Baydhaba,Baledweyne iyo aqlabiyada xaafada muqdisho.
Munaasabadaan 08-Mar2013 waxaa xusid,amaan iyo bogaadiinba
mudan Shakhsiyaadka(Haweenka)Liiskan ku xusan dadaal,karti,
wax-qabad muuqdda,damiir iyo dareen wadaniyadeed muujiyeey:-
-Marwo-Drs-Xaawo Cabdi.
-Marwo-Drs-Xaawo Aden Maxamed.
-Marwo-Duuliye Sarre-Asli Xassan Cabaade.
-Marwo-Maama Caasha.
-Marwo-Caasha Shaacuur.
-Marwo-Drs-Carro Xirsi Magan.
-Marwo-Drs-Caasha Axmed Cabdalle.
-Marwo-Xildhibaanad Drs-Caasha X.Cilmi.
-Marwo-Drs-Caasha Geelle.
-Marwo-Xildhibaanad Drs-Khadiija Max,d Diiriye.
-Marwo-El-Wasiir-Drs-Maryan Qaasim.
-Marwo Fanaanad Qaran-Seynab X.Cali(Baxsan).
-Marwo-Fanaanad Qaran Xildhibaanad-Saado Cali(Cunaabi).
-Marwo-Abwaanad-Rooda Cali Gurey(Af-Janno).
-Marwo-Drs-Sahra Max'd Cali Samater.
-Marwo-Drs-Jawaahir Xaaji Faarax.
-Marwo-Abwaanad-Cabrro Nuux.
-Marwo-Farduus Maxamed Mirre.
-Marwo-Xildhibaanad-Sacdiya Careeys Ciise.
Shaki kama jiro iyo haweenka qurba jooga ahi intii awoododa
ah ku dadaaleeyn barbaarinta iyo korinta ubadka iyo caawinta
ehelka iyo qaraabada dalkii jooga waa arimo ahamiyadooda leh
wax tarkooda leh lana oran karaayo ragii dhankaas weey ka
yarre gaabiyeen,inkasto dhaliilo haweenka qaarkood yeelan
karaayaan laakiin dadaalkooda ayaa wax badan daboolay(Alloow
Dumarka Noo Xafid-Aamiin).
-Marwo-El Wasiir-Foosiya Yuusuf X.Aden.
-Marwo-Abwaanad-Hibaaq Maxamed Axmed..
-Marwo-Fanaanad Qaran-Faadumo Cali(Nakruuma).
-Marwo-Abwaanad-Sahra Daahir Mirre.
-Marwo-Tiriig Ahmed(4Somaliwomen).
-Marwo-Ubax Cabdulqaadir.
-Marwo-Xildhibaanad Drs-Maryan Cariif.
-Marwo-Drs-Caasha Cumae Geesdiir.
-Marwo-Abwaanad-Xaliimo Soofe.
-Marwo-Maryan Goonle.
-Marwo-Weriye-Aina Muuse Weheliye.
-Marwo-Sahra Gamadiid(Ururka Dugsi NL).
-Marwo-Faadumo Maxamed Ducaale.
-Marwo-Fanaanad Qaran Hibo Maxamed(Hibo Nuura).
-Marwo Fanaanad Qaran-Maryan Mursal Ciise.
-Marwo-Drs-Aamina Saciid Cali.
-Marwo-Batuulo Isaaq.
-Marwo-Sahra Sacad.
-Marwo-Abwaanad Drs-Shamso Aden Jaxaf.
-Marwo-Abwaanad-Maryan Jaceyl.
-Marwo-Xafsa Muuse Nuur.
-Marwo-Yaasmiin Mayoow.
Waxaanu ku talineeynaa in madaxda sare ee dowlada federaalka
iyo kuwa maamulada jiraa ku dadaalan wax ka qabashada dhibka
loo geeysanaayo haweenka somaaliyeed kana dhabeeyaan hadalka
iyo balan-qaadyada eey qaadeen,sidoo kale xaal marin,raali
gelin iyo sharaf u soo celinba la siiyo-Dulman Marwo Luul,
lana raadyo kuwii dhibatada u geeysteey oo maxkamada la hor
jeeyo(hadii kale ceebtu mid qarameed Wallee),sidoo kalle
waxaan gudoonka Barlamanka federaalka somalia ugu baaqeeynaa
ka shaqeeyo soo celinta saamigii haweenka dastuurku u gooyeey
oo sida cad loo dhacay hadii kale goluhu mid xaaran iyo sed-
bursi ku dhisan mana u qalmo magaca golle barlamaan.
-Marwo Fanaanad Qaran-Khadija Daleys.
-Marwo-Abwaanad-Shukri Cali.
-Marwo-Nimco Cali.
-Marwo-Abwaanad-Sahra Muuse Cadde.
-Marwo-Sahra Xuseen Mire.
-Marwo-Hodon Diriir(Ururka Dugsi NL).
-Marwo-Sahra Suuban.
-Marwo-Caabiya Cabdi.
-Marwo-Xildhibaanad-Foosiya Sh.Maxamed.
-Marwo-Ubax Xassan Bede.
-Marwo-Ubax Tahliil Warsamme.
-Marwo-Faadumo Xassan Keyse.
-Marwo-Abwaanad-Caasha Luul.
-Marwo-Rooda Xassan Aw Yuusuf.
-Marwo-Xaawo C/Laahi Qayaad.
-Marwo-Abwaanad-Maryan Warsamme.
-Marwo-Canab Xassan.
-Marwo-Faadumo Shariif.
-Marwo-Xildhibaanad-Fahmo Ahmed Nuur.
-Marwo-Xildhibaanad-Xabiibo Maxamed Kheyr.
-Marwo-Xildhibaanad-Sahra Jaamac Cali Qoorsheel.
-Marwo-Xildhibaanad-Cadar Cabdi Warsamme.
-Marwo-Xildhibaanad-Sahra C/Raxmaan.
-Marwo-Foosiya Cartan Boos.
-Marwo-Xildhibaanad-Seynab Maxamed Caamir.
-Marwo-Xildhibaanad-Samira Xassan Cabdulle.
-Marwo-Ikraan Cali Kaar.
-Marwo-Caasha Warsamme Diriir.
-Marwo-Deeqa C/Qaadir.
-Marwo-Faadumo Max'd Cabdi Xaashi.
-Marwo-Xidig Qaran Mulki Jeenyo.
-Hablaha Xulka Qaranka K/Koleeyga.
-Marwo-Abwaanad-Xayaat C/Laahi Geelqaad.
-Marwo-Abwaanad-Shamso Food.
-Marwo-Fanaanad-Muslimo Qaasim.
-Marwo-Abwaanad-Shamso Ali Macallin.
-Marwo-Jawaahir Baar-qab.
-Marwo-Sahra Xassan.
-Marwo-Nafiisa Yuusuf.
-Marwo-Weriye-Shukri Maxamuud Ifrax.
-Marwo-Xamdi Maxame Kadiye.
-Weriye-Nimco Samriye.
-Marwo-Fanaanad Qaran-Cadar Kaalin.
-Marwo-Fanaanad-Shamso Shumeey.
-Marwo-Sacdiya Goob-doon iyo boqolaal ama kumayaal kale oo
dhigooda ah oo dalkii hooyo iyo cirafyada aduunku ku kala
sugaan dhammaantoodna xurmo gobeed iyo qadarin mudan.
Urur ahaan waxaan mar labaad halkan hambalyo diiran uga
gudbineeynaa guud ahaanba Haweenka Somaaliyeed milgadda,
xurmada iyo qadarin gaar ahaaneed mudan hadii dalkii hooyo
joogaan ama qurbaha-ba,kuna adkeeyneeynaa laban laabidda
dadaalkooda,wax qabadkooda,gudashada masuuliyadooda weyn
iyo mideeynta codkooda iyagoo mudnaanta koowaad siinaya
daryeelka qoyska iyo taakuleeynta qaranka-ba guuleeysta.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda. |
|