MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dhacdo Naxtin Badan Nin Muqdisho ku toogtay Nin guursaday Gabadhii uu Jeclaa xili Xaflada arooska lagu guda jiray.
Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan dad badana aad uga arga gaxeen kadib markii Wiil dhalinyaro ah uu toogtay Nin guursaday gabar uu Jeclaa xili lagu guda jiray Xaflada Arooska.

Ninkan Dilka geestay ayaa la sheegay in uu aad uga xumaa in gabadha uu Jeclaa uu mudo lasocday in nin kale si fudud uga guursado lacag badana ku bixiyo taa oo ku kaliftay in falkan foosha xun uu ku dhaqaaqo.

Goob joogayaal ayaa Sheegay in Dilku dhacay markii gabadha gurigooda laga soo galbiyay lana geeyay guri loo guuriyay halkaas oo xiliga dilku dhacayay labada lamaane is dhinac fadhiyeen kuraasta fadhiga ee loogu tala galay balse ninka gabadha jeclaa oo arooska la socday uu Bistoolad lasoo baxay dhoor xabana ku dhuftay ninkii arooska ahaa halkaana ku dhintay halka uu dhaawac iyana soo gaaray gabadhii aroosada aheed.

Goobta Xaflada ee xiligaasi kasocotay bash bash iyo farxad iyo tamashleyn ayaa mar qura isku badashay goob murugo taal iyadoona dhamaan ee kala carareen dadkii goobta kusugnaa sidaana uu ku baxsaday ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee dilay ninka guursaday Gabadha uu jeclaa.

Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkan waxaa kusoo badanayay falal aad u fool xun ee sababan Maseyr iyo Jaceyl taa oo dad badan layaab kunoqotay kuna tilmaamay wax laga soo miin guuriyay dhaqamada Foosha Xun ee Reer Galbeedka iyo Filimada la daawado.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,492,181 unique visits Top