Daawo Sawirada Wiil Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Tareen Dhexdiis
Mid ka mid ah boosteejooyinka laga raaco tareenada ayaa waxaa laga helay wiil Soomaaliyeed oo dhawaac iyadoo loola cararay isbitaal balse ku naf baxay isbitaalkaasi.
Wiilkaan ayaa ahaa 24 jir waxaana lagu magacaabaa Muusa Tahliil Warsame. Booliiska London ayaa haatan ku howlan baaritaanka cidii ka dambeysay dilka ninkaan. Booliiska ayaa rumaysan inuu ku lug lahaa dagaal iyo fowdo ka dhacday tareen dhexdiis hal saac ka hor intaana dhaawaciisa laga helin Raynes Park Station.
Booliiska ayaa yiri: "Marka hore aad baan ooga xunahay dilka wiilkaan qoyskiisa waan ooga tacsiyaynaa, waan baaraynaa waana ku howlanahay, waxaana ka codsanaynaa qof alaale qofkii garanaya ama haya wax xog ah oo ku aadan dilka marxuumkaan inay nagala soo xiriiraan lambaarkaa: 0800 40 50 40."