Not a member yet?
Click here to register.
Forgotten your password?
Request a new one
here .
Oh no! Where's the
JavaScript ?
Your Web browser does not have JavaScript enabled or does not support JavaScript. Please
enable JavaScript on your Web browser to properly view this Web site,
or
upgrade to a Web browser that does support JavaScript;
Firefox ,
Safari ,
Opera ,
Chrome or a version of
Internet Explorer newer then version 6.
(Dhagayso) Waxgaradka Deegaanada Puntland Oo Ka Hadlay Cunaqabataynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya
Kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gudbisay gollaha amaanka Qaramada Midoobe codsi ah in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka ee saarnayd dalka Soomaaliya mudo gaadhaysa 20 sano ayaa waxaa arintaasi siyaaso kala duwan uga hadlay madaxda kala duwan ee maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxgaradka, cuqaasha, siyaasiyiinta, nabadoonada iyo dadka wax galka u ah umadda soomaaliyeed.
Nabadoon Siciid Faarax Nuur waxa uu kamid yahay nabadoonada kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland kuna sugan magaalada Garoowe ee xarunta ah maamulka Puntland waxa uuna ka hadlay fekerkiisa ku aadan cuna qabataynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dowladda Soomaaliya aysan kala tashan dadka wax galka u ah bulshada waa sida uu sheegaye in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka. Hadaba halkan hoose ka dhagayso codka nabadoonka.
Halkan Ka Dhagayso Waxgaradka Puntland oo dhaliilay
Tan iyo markii dowladda Soomaaliya gollaha amaanka ee Qaramada Midoobe ay hor dhigtay qorshaha ah in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka, iyadoo garab ka helaysa dowladda maraynka ayaa waxaa arintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay bulshada soomaaliyeed kana bixiyey afkaaro kala duwan.
Xafiiska Wararka Ee Saafifilms.com