Masuuliyiintaai ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen markii la weeraray Degmada Xariirad si ay xilka Degmada Xariirad uga wareejiyaan Gudoomiyahii hore ee Xariirad Geesh Aadan Bile oo hadda noqday Afhayeenka xildhibaanada Beesha Ciise ee dhawaan Iscasilay ,kuna wareejiyaan Gudoomiye cusub oo dhawaan wasiirka arimaha gudaha Maxamed Caraale Duur u magacaabay degmada Xariirad.waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay iska horimaad uu dhiig ku daatay,waxaana lasheegay in halkaasi uu ugu yaraan qof ku dhintay tiro kale oo aan la sheegin inta ay la egtahayna ay shqaaqadaasi ku dhaawacantahay.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya inaan wax dhimasho iyo dhaawac ahi toona halkaasi ka dhicin ee rasaastu wax yeeleysay gaarigii ay wateen mas,uuliyiintaasi, waxayna muddo saacado ah xayiraadsaareen baraasbkii gobolkaasi iyo xubnihii la socday inkastoo la sheegay in odayaal iyo waxgarad kale ay ku guuleysteen in ay kooxahaasi ka sii daayaan raggii heystay ee xayiraadda geliyey.