MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Cabdi ISmaaciil Samatar oo Dilka aan kala sooca laheyn ee lagu hayo Soomaalida Koofur Afrika sababtiisa ku sheegay daciifnimo heysata safaarada Soomaalida ee dalkaasi.
Ninka ugu badan ee dhaliila siyaasada Soomaalida, Cabdi Ismaaciil Samatar, oo wax laga weydiiyay sida uu u arko dilka iyo tacadiga taxanaha ah ee Soomaalida loogu geesto dalka dhaca koofurta Qaarada Madoow ee Koofur Afrika ayaa waxa uu sheegay in arintu ay salka kuheyso Soomaalida oo safaaradaeeda halkaasi ay tahay mid aan qaban howshii looga baahnaa.

“Hadii Koofur Afrika loo magacaabi lahaa safiir Tayo leh oo madaxda dalkaasi ka gedi kara sharafta Soomaalida iyo in dhiiga Soomaalidu uu qali yahay arintaasi waxbaa iska bedeli lahaa. Waxaa haboon in dowladu u magacaawdo safiir qibrad leh oo ku haboon shaqadaasi”, Cabdi ISmaaciil Samatar ayaa sidaa ku waramay.

Hadalka Cabdi ISmaaciil Samatar ayaa waxa uu u muuqdaa mid si gaar ah loogu weerarayay Max'uud Cabdi Ibraahim Garweyne, Safiirka Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oo in badan dalkaasi kasoo howl gelayay mar dhawana dib loogu cusbooneysiiyay shaqadiisii kadib markii wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ay isugu yeertay safiiradeeda dibadda oo arinta sidii ay ku socan jirtay iyo sida hada lagu sii wadi karo si aad ah loo lafa guray

Dalka Koofur Afrika oo kamid ah dalalka qaaradaan Afrika ee Soomaalidu ay ku firxatay wixii ka danbeeyay dagaaladii sokeeye waxaan si aad ah ugu beegsada oo dhiigooda iyo hantidooda baneestay burcad Koofur Afrikaan ah oo sanad waliba khaarijiya tira dad Soomaaliyeed ah oo qaarkood dab qabadsiiya, qaarna seef ama xabad ku dila, iyaga oo sidoo kale hanti badan booba.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,488,463 unique visits Top