Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
      
|
Cabasho kasoo yeertay saraakiisha ciidamada booliska ee degmada Afgooye |
|
Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose hub la’aan ayaa waxay heysataa ciidamada dowlada Soomaaliya eek u sugan degmadaasi,sida uu shaaciyay.
Sayid Cumar Cabdiqaadir taliyaha ciidamada booliska ee degmada Afgooye ayaa sheegay in ciidamada dowlada ee degmadaasi aysan heysan hub ku filan oo ay ku sameyn karaan howlgalka ay ka fulinayaan deegaanada degmada.
Isaga oo ka hadlay hub yarida ciidamada dowlada ayu yiri “Alshabaab waxay heystaan hub waaweyn,laakiin ciidamadeena midka ugu hub weyn AK47 ayuu heystaa,gaadiid la’aanta ayaaba kasii daran”.
Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ku taageerto dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya,waxaana uu ugu horeyn sheegay in hubka iyo gadiidka ay u baahan yihiin.
Golaha amaanka ee qaramada ayaa maanta ka doodaya ka qaadista hubka xayiraada ka saran dalka Soomaaliya |
|