MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dilal dhacay iyo xiisado ka taagan deegaano ku dhow magaalada Laascaanood
Maleeshiyo Beeleedyo isku horfadhiya Nawaaxiga deegaanka xariirad ee Somaliland iyo wararkii u dambeeyay ee Khasaaraha iska hor-imaad shalay dhex maray
Dablay Hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa shalay aroornimadii Nin socota ahaa ku dilay Duleedka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo sida la sheegay ay hiirtii hore toogteen laba Nin oo hubaysan.
Marxuumka la dilay oo sida la sheegay ay walaalo ahaayeen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland ee kusugan Jiidaha Bariga, ayaa wade ka ahaa gaari nooca xamuulka qaada ah oo ka yimi dhinaca Beled-weyne, waxaana wararku sheegayaan in lagu toogtay Tuulo wax yar u jirta Laascaanood oo uu habeen hore gaarigu ku hoyday.
Ma jiro wax wara oo ka soo baxay Laamaha amaanka Gobolka Sool iyo Maamulka Gobolka toona oo ku saabsan sababta Marxuumka loo dilay iyo in la soo qabtay Dablaydii dishay, balse warar aanu ka helnay Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inaan la soo qaban gacan ku-dhiiglayaashii dilkaasi geystay, kuwaasoo wararka qaar tibaaxayaan inay Aano hore u dileen Marxuumka.
Dhinaca kale, saan-saan Colaadeed ayaa laga dareemayaa degmada Xariirad iyo deegaamada hoos yimaada, ka dib markii shalay gelinkii dambe hal qof lagu dilay, laba kale lagu dhaawacay meel wax yar u jirta Magaalada Xariirad.
Dhimashada halka qof iyo kuwa dhaawacmay ayaa warar kala duwan oo laga helay deegamadaasi sheegayaan inay ka dambeeyeen Maleeshiyo Beeleed hubaysan
Isku dhacan labada maleeshiyo ayaa lagu soo waramayaa inay dhalisay saan-saan colaadeed oo deegaankaasi laga dareemayay saacadihii la soo dhaafay, wallow sida lagu soo waramayo ciidamo Milateri ah la kala dhex dhigay labada maleeshiyo.
Ma jirto ilaa hada wax talaabo ah oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday si arinta loo qaboojiyo iyo war ka soo baxay oo la xiriira mushkiladaasi, aan ka ahayn Ciidamada la kala dhex dhigay labada Maleeshiyo.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,528,995 unique visits Top