DAAWO Eey Baaskiil kaxeenaya oo dad badan ka yaabsaday & Eeygaan oo si Live ah Telefishinada loo hor keenay
Hadal heeynta ugu badan dalka Mareeykanka gaar ahaan magaalada Atlanta ayaa waxa ay noqotay Eey lagu magacaabo Briard (Norman) oo la baray sida loo kaxeeyo Baaskiilada iyo waliba sida loo wado qalabka loo yaqaan Kushineetada ama (Scooter).
Eeygaan oo 3 sano jir ah iminka waxaa si Live ah loo hor keenay Telefishinada hortooda waxaana mar qura afka gacmaha saartay dadkii daawanayay Eeygaan sida uu u kaxeenayo Baaskiilka kaas oo la amrayay ama loo sheegayay qaabka uu u wadi lahaa Baaskiilka.
Ma ahan wax sahal ah in Xayawaanaad loo dhiibo Baaskiil ama ay u wadaan qaabka Beniaadanka oo kale balse waxaa xaqiiqo ah in wax kasta ay ku xiran tahay sida loo barto oo waliba Xayawaanaadku ay leeyihiin sida beniaadanka oo kale kuwo dhego fudud iyo kuwo dhega adag.