MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
KALSANTV SOO DHOWEEYN WANAAGSAN.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada codka
inta damiirka,dareenka wadaniyadeed,qiirada nool iyo dadnimada leh
Diintooda,dalkooda hooyo iyo difaacida karaamadooda u taagan,diidan
dayaca,kala daadsanaata,kala qoqobnaanta,dhaqan qabyaaladeedka,dhiig
daadiinta,colaada iyo dagaalada sokeeye,kala fogeeynta dadka walaalaha
ah(Somaaliyeed)cadaalad daradda,garsoor xumida,musuq-maasaqa,boobka
hantida qaranka,kala heeysashada hantida dadweynaha dhexdooda,qas iyo
dhibaato wadayaasha cadoow ummadda ah,fara-gelinta shisheeye iyo hab
dhaqameed gunimadda ku saleeysan.

Waxaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa Channalka cusub ee TV Kalsan
oo hab tijaabo ah hawada ugu jira ka mid noqon doona bahda warbaahinta
Smaaliyeed dhankeeda Maqalka iyo muuqaalka,ummadda somaaliyeed gudaha
iyo qurbaha-ba weey u baahan yihiin warbaahin wax soo kordhisa kaalin
weyn ka qaadata kobcinta maskaxdda iyo garaadka wacyi-siyaasadeed ee
Ummadeena xaaladaha jaha-wareer iyo dhaqan qabyaaladeed ka dileey guud
ahaanba sifooyinkii wanaagsan,xurmadii iyo sharaftii somaaliyeed,milgo
gobeedkii iyo xeerarkii suubanaa oo dhaqankeenu lahaan jiray,walaalnimadii
degaan wadaagii,dhaqan wadaagii,ceel madaagii,dugsi wadaagii,deris wadaagii
awooda ama tiriirka adag u ah wada-jirkeena,gacmo furan ku soo dhowaadda
TV Kalsan(Kuwii Guuleeysta-Inshaa Allah).

Waxaanu ku boorineeynaa Channalkaas cusub iney waayo aragnimo diraasad ku
saleeysan ka qaataan TV-yada hada jira oo magacyada kala duwan leh oo ah
kuwo barnaamijyo badan soo daayeey ama weli sii daaya oo qaarkood dhibka
Somaaliya ka jira garab iyo gaashaan u yihiin(Barnaamijyo-belaayo abuur
ah,fidnimo hudhiyaal ah,qabyaalad buun-buunin ah,naceeyb abuurid ah,lana
oran karaayo qorshayaal kalle iyo ujeedooyin qarsoon ayaa ka dameeya ama
hadaf qeexaan ayaa lagu hirgelinaaya),Kalsan TV fadlan ku saleeya ama ku
dadaala in Tv-gu noqdo mid wax faa'iidoo leh ku soo biiriya dadweynaha
Daawadayaasha ah(Bulshadda)barnaamijyo wacyi-gelin ah,dareen wadaniyadeed
leh,danta guud ku saleeysan,qaranimadda,jiritaanka iyo ahamiyada dowladeed
ka turjumaaya,qiimaha dhulkeena hooyo iyo kheeyraadkiisa,cimiladiisa iyo
barwaaqada ku duugan,ka hadalka cadaalada iyo baahida weyn oo ummadeenu u
qabta,qiimaha garsoor iyo ahamiyada xaq soorka,dulimiga,sed-bursiga iyo
xuquuq duudsiinta dhibkeeda,curiinta barnaamijyo cusub oo jiilasha soo
koraaya(Dhalinyaradda)lagu baraayo dalkooda iyo taariikhdiisa iyadoo laga
faa'iideeysanaayo aqoonta iyo waayo aragnimadda shakhsiyaadka qiimaha
qaran leh,dareenka wadaniyadeed leh,fadlan ka fogaada kuwa ku caan baxay
xumaan ka hadalka iyo qabyaalad ku noolayaasha(Qaranka iyo Qabyaalada ka
weyn kana mudan Somaaliyeey),ku dhaqma hab waafqsan warbaahinta xorta ah
dhexdhexaadnimo leh,run sheegid leh,faa'iido curiin leh,wacyi gelin iyo
tusaale toosan bixin leh,barnaamij diineed leh,dhaqan toosiin leh,curin
suugan wadaniyadeed leh,cadaalad iyo xaq soor dhoowrid leh.



KalsanTV Soo dhoweeyn wanaagsan-Guuleeysta-Aamiin.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,500,207 unique visits Top