Dood Dareen Siyaasaddeedka Soomaalliddu la Nooshahey W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dood Dareen Siyaasaddeedka Soomaalliddu la Nooshahey
Dadka Soomaalliyeed kolka aad maqasho waxaad darreemaysaa dhankaygee mise waa mayee dhinacaagana , Jirtaana ! Yoolki higsasho ee wali Hungaddu ay ku jirto himillo gaarriddiisa Waa Soomaalliwayne , taydatanuse waa Dadka Dalka Soomaaliya mid ku kooban , Waa siddaase aan dulucda Qormadda abaarro Akhriyow waxay ka dhalatey marki aan goobjooge iyo warbaahin ka dhagayste u noqdey gooro kala gadisan iyo goobo kala rogan dar dood dad Soomaaliyeed , Mid kasta salkeeddu waa dicaafidda dareenka koox odayeedsan (Qabyaaladdaysan) ee sooyaalka Soomaalidda ku dheehan soo jireenkeedda, Si kale aan u dhahee waa habka ay Soomaaliddu la noolayd -la noolashahay waligeed waa aragtidda aqoonsiga Qabiilaysiga oo si qaldan loo qaatay .
Bal waxaa jirta qayb mabaadii,eedsan dabcan kooxda kolkaas dhanka mabaadii,iga aan u aqoonsanahay ayaa doorkaas yeelanaysa aan Akhriye halkaan kuu furfuree waa tu dooddadaha aad u daaddagi doonto ka mida .
Waa halka mushkiladda la maarayn waayey ee Soomaalidda silic ku noolnimadda badey ka aloosantey, Doonidda Sharafti koox odayeednimo , Dhagaysiga dooddahaas oo aan u aqoonsaddey Dood Dareen Siyaasaddeedka Soomaalliddu la nooshahay malaha magac bixin kaga habooni jirtaaye dhankaygase tanaan door bidey .
Waa Bulsho badankeeddu la ildaran xanuunka dhimirka aafeeya ee Qabyaalladda , la isuma soo dhowaaddo , dooddoodu waa yaan lagaa badin , Sharaftidda odayga aad aminsan tahayna difaac , Siyaasadda aad taageertaa waa sida Koox odayeedkaaga u dan ah,Badbaaddinta Qaranku sida koox odayeedkiinu rabay ku jirtaa ,Kuwa kale waa qaswadayaal Nabad-diid ah, qaybaha Bulshadda oo dhami waaka saminyihiin , Aqoonyahan jaacamad carro kale ka dhiga dhowr jeerna qalin jabiyey , Geel-jire ,Beer-fashe,Kaluun-dabte , Siyaasi , Ardeey , Wariye, Iwm ,waa wada dooddaan , Dareenka dooddooddu ku dhisan tahay Waa Qabyaallad , Masuulka Siyaasadda uga wakiilka ah Koox odayeedka dhagtaa loo taagaa dhinac kasti.
Yaanan akhriyow kugu dheeraynine aan dul dago Qormadda aan u qaabiyey hab dooddeed labba dhinacle , waddareed iyo kol qaybiye dooddeed weheliyo labadda dhinac (Wariye) darka doodda u kala horraaya dadka u hamuuman hadlidda ee aan ka farshaxanaynaayo Sheeko siyaasaddeedka Soomaalidda .
" Mudanayaal iyo Murwooyin .......Sida aan ognahay 18-May-1991 waxa aynu la soo noqoney dalnimaddiine halgan dheer oo ay soo galeen Mujaahidiinti dalkaan (Somaliland) u hurey naftoodda iyo maalkoodda (SNM ) , Halganka dib uxoraynta Somaliland waxa uu biloowday kolki aan ku khasaarey isku darsigi labaddi dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya , Waxaynu ognahay gaboobfalki iyo xasuuqi arxandaradda ahaa ee dadkeena ay kula kacdey dawladdi kali-taliska ahayd dhiigmiiradnimadda iyo waxashnimaddana kula dhaqantay dadka Reer Somaliland .
23 sadex iyo labaatan sanno ka dib maanta halkaynu marayno waa mid caalamku u riyaaqay waxaa dalkeenu ku hayaamey hannaan dimuqraaddi ah afar madaxwayne ayaa isu badaley xilka aan annigu hadda hayo , waa arrin africadda aan ku naal badankeedda dalalka ka jirra aan ka dhicin waxay muujinaysaa bisaylka dadka Reer Somaliland .
Sida cad waxaynu saluugaynaa aqoonsi la,aanta caalamka waxaan shacabka Somaliland maanta hoosta uga xariiqayaa in muddo dhow aynu helayno Ictiraafkaas , dawladda aan hoggaamiyaana dadaal ugu jirto arrintaas .
Cige:Adeer Kaddeeddki kaligitaliyu dhibaato ayuu u gaystey Somaliland cid kastina waa ogtahay dhibaataddi dhinacyadda badnayd ee dadka reer Somaliland lagula kacey .
Diiriye : Kaaraha Kalshaale dadka lagu marsiinaayo isagu kadeed iyo gabood fal ma ahan miyaa kaasu.... Cigoow laba kala daa ...
Cige: Waa nabaddiid kuwaasu ,Qaswadayaal ah waxaana calaaddaas hurinaaya oo ka dambeeya niman koonfur kursi ka doonayaal ah wax dan ahna aan shacabkaas u hayn ... shacabkaas masaakiinta ahna xaabo ay kursiga ku helaan ka dhiganayaa ...Haba doonee .. Walawaynta wax ma dheeryihiin waa su,aall diiriyoowe ....
Diiriye:SMN Soomaaliya midnimaddeeda ayay kala wiiqaysaa waa mujaahidiin ... dadka Somaliland diidani waa kaarre marin iyo karbaashid waana qaswadayaal qarandumis ah .... Malaha sanaad ka heshay caawa .... mise hadalkaagan aan maangalka ahayn ayaad wadda meerisaan ......
Cige: Diiriyoow dalkaaga amin ... u doollidda Walawayntu dan dadkaaga uma aha ... ku darsigooddi hore darxumadey dadka Reer Somaliland badey ... dee waa taas maanta muuqatey oo Somaliland horay u dhaqaaqdey .....
Diiriye: Iska hadloow Ina Igarre...... ! (Xaaji Muuse Faarax -Inna Igarre waa ninkaan u aqaane ogaalkey ,Siddaan dheehdey, hadduusan nin kale ahayn Inna Igarraha Reer Waqooyigu ku hal qabsaddan , Aun)
Dar Dooddeed Kale, Puntland = Dhulka Uduga
Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa sanadguuraddi caleemo saarkiisa ka soo wareegtey khudbad dheer ka jeediyey ... Madaxwayne mise horjooge Koox odayeed(Qabiil Aqoonsiga Soomaalidda) oo malaha magac bixinta dambe in tan hore ka maamuus wacan tahay maleeyey ....aqoonsiga dhabta ahise waa siddaan qabee waa Kaaba Qabiil.
" Madaxda dawladda ...iyo dhamaan qaybaha Bulshadda ee caawa halkaan fadhiya waad salaamantihiin ... Markii halkaan naloo dhiibey waxaanu la wareegney dalka oo ay dhibaatooyin badani ka jirraan ... haatan waxaan xaliney qaybo ka mid ah kuwo taagana xalkoodda ayaan ku jirnaa waad ogtihiin awooddeenu waa yartahay balse dadaal nooma yara dibin daabyooyin badan ayaa banaanka ( Muqdisho ) la inaggaga waddaa mashaariic Puntland lahayd waa la innaga hor istaagey .....
...Sida aan ognahay 2004 shirki Imbigaati waxay Soomaaliddu qaadatay nadaamka Federaalka Puntland-na waxay u taagan tahay oo tusaalena u tahay Federaalka ,Waxaa keenay Federal qaadashadda marki La is diley ee guryaheeni Maalin cad la innaga soo saarey ....... Waxaa jirra dad diiddan waa kuwo aan rabin in Soomaaliya dib cagaheedda isugu taagto .... Innagu waxaynu leenahay Dastuur haddii kuwa majaxaabinta ku wadda nadaamka Federaalka, garoowsan waayaana in siddaas Soomaaliddu isugu soo noqon karto .. hadde waan tashanaynaa .."
Cadoowgu waxa uu leeyahay dhinacyo badan waxaa jirra kuwo guddaheena ah oo lagu adeegto shacabka Puntland waa in ay dawladdoodda la shaqeeyaan ... haatana nadaamki hore ee qabiilka waan ka guurey oo qof walbi codkiisa ayuu dhiibanayaa ..............................." Madaxwaynaha Puntland
Dooddi
Cabdulle:Waraa ! Madaxwaynihiini ma dhagaysatey maanta waa hadlay... odaygaas wuxuu doonu sheegaa dadka maad ka qabataan Noooh !
Cigale:Haa Walaale ! wax xun ma sheegin ,Inkastoo Runtu idin dhibto qolyihiinaas Soomaaliya ka dagi waydey ....
Cabdulle: Wixiisa Soomaalinimo ma ahan isku dir waaye ... intaas walaxaa naga maqan uu ku hayaa iyo Soomaaliya waa Federal horta Soomaaliddaan aad sheegtaan ee Federaalka dooratey intee joogaana ?
Cigale: Hadde !Waa waxa uu sheegaayey Madaxwaynuhu adigi ayaa hadda walaale la soo taagan Federal ma jiro malaha dastuurka ma akhridaan .... tan kale in dad xoollohood aad haysataan miyaydan ogayn ...... oo Maalki Muqdisho yaalay aad maalin-cad marooqsateen
Xasan:Ebboow ! Mahaan ku dhaldhey maal dadoow lama marooqsado e ! War aan soconayn aad waddaan ... Federal aan nahay dawlad aan nahay dadka Soomaaliyeed markaad dib usoo celinaysaan dawladda Sucuudiga maad tihiin oo waliba aad dilka iyo dhaca u gaysanaysaan ..
Samakaab:Shooh ! Ari Boowe Nimankaanu aa mooryaanti dadka Muqdisho musalafiyey ... bal aakaase si hayeeleeniin ! hadde illaa kasidan la idiin xanibnaanmaayo ,ee annagu dhulkayagi dawlad baan u dhisanaye dhulkiina hagaajista ... Dawladda Puntland aa hooyaddi Soomaaliya aa meesha lagu cayntey dadka Reer Koonfurta ka yimi aa buuxaan oo Waliba Maal ka tabcadeen .......cidina kuma dhibto
Madaxwaynaha Soomaaliya Mise magacaas ma siiyo e, Hayee Hooggaamiye Koox odayeed Siyaasaddeed sidda kuwa sarre ,ka sareeyee, yaanan ku daahin u doondooniddee Akhriye halkaana illaa haboonaadey , Hoggaamiyaha Gollaha qabyaaladda loo dhanyahay ee dalka Soomaaliya (Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya-Aqoonsiga Soomaalidda ) Mise waan kula dhacaye Soomaaliddu isma waydiin oo Aqoonsiga Beesha caalamka kuwa sheegtey ee naddaamsadey dhabaha doonitaankooddu ku dhoboobo ayaa leh , doc ugama hayo dooddaas dulucda qormaddana door badan kama siinaayee aan daadago .
Akhriye Eedeeynti hala soo akeekamine aan macagbixinta macneeyo ,Waa magaca aan Siiyey Masuulkeena Qanan mise kaaga oo waan iska kiin koobaa , Tusaalayntaydda ha ka hor dhicin , dareenka xeji oo go,aan caadifaddeedki caaddaadda ahaa hagaarin hiifidna ha ii holin ,hana i kooxayn adiga oo aan i aqoon , Dhadhamintaaddu waa haday jirtoo oo aad duxid iyo dareenka qormadda doonaysee dhinaca san saamaynta ku sunto.
Sababta waxaaN ku tusaalayn kolka aan Madaxwayne leenahay waxaan ku qeexaynaa habka uu ku yimi ee ah in nadaamka lagu soo doortey ,Madaxwaynaha Soomaaliya Siddaad og tahay Akhriye miyuu ku yimi Habka Hantiwadaagyaddu aminsanaayeen , Qaabka Hanti goostayaashu qabaan in doorashaddu u dhacdo , Habka Islaamiga ah ee amiir Islaami ah oo kii ka horeeyey uga dambeeya Madaxtinimadda , Miyuu yahay Askari Inqilaab ku qabsaddey oo Hantiwaddaagayaasha jaal ka dhigtey hadduu doonana dalkiisa dimuqraaddi ku sheega .
Waa Hubaal in aan Madaxwaynaha Soomaaliya ku imaan qaababka aan soo sheegney oo dhamaantood hab mabaadii,eed u dhaca koox afkaareedna hoggaaminta yeelato , Waa saase , Madaxwaynaha Soomaaliya isagu siddee ku yimi ? Jawaabta oo dhow waa Habka Qabyaalladdaysan , Siddee ku xaqiijin? waa Hannaanka Awood qaybsiga Siyaasaddeed la yiri ee dalka Soomaaliya ka jirra 4.5 ....
Taas ayaa qeexidda dhabta ka helaynaa waana halka aan magac bixinta ka keenay (, Hoggaamiyaha Gollaha qabyaaladda loo dhanyahay ee dalka Soomaaliya) Hadde haddii aysan mabaadii,i jirin Kolkaas Magaca Madaxwaynenimo maxaynu ku siin , Mise waa hab Cusub oo aan Innagu leenahay ayaynu dhahnaa oo waxaynu ka dhignaa Naddaam Soomaallidda u gaar ah ... Lama Xujayste daliilo iyo dood diciifeed hooseeya la yimi ,yoocyooctame , dheh Akhriyaha u doodday Madaxwaynaha , Dulucdu waa Dan Qaran! Dan Qaran! Dan Qaran !, Doonitaanka Doorka Qaran maqan .
Uma dooddi karto siddaan qabo sababtu waa Qabyaallad ayay ku dhisan tahay wayna dhaheen , Xaq ma ahan, waa xalna waa Raaciyeene, lama dhaafaanku waa Sidee waxaan xaq ahayn Xal u Noqon karaan, .... Mise Islaamka ayaa xaqa iyo xaqdarradda Xusa ee xeryaha Caqlaaniyiinta aan Caqiiddada dhabta haysan ayaad la aadaysaa ,iyaguna kuma qaadi karaan ... Haddaba koox daydayo Bal baalal tariikhdka dunnida Sooyaalkeedda soo rogrog ...
Igu dheeraatayaa ,dabcan waa iga adkayn Madaxwaynenimadda aan Madaxwaynaha Soomaaliya u diidanahay Iyadda Qormo kaligeed ah malaha u baahnayd.
Nuxurki Khudbaddi Madaxwaynaha
"Ma rabno in Soomaaliya ku soo noqnoqoto dhacdooyin horay aan u aragney ,ayaan daro taasu way soo laalaabatey waxaa Carta la isugu geeyey odayaal Soomaaliyeed , Kol kale Kenya , Haatana Muqdisho ayay isugu yimaaddeen oo waa annaga Hoggaanka naloo soo doortey , Dawladdaydu in arrintaasu soo noqoto waa odayaal isu keeniddee ma rabto waxaan samaynaynaa Isbadal .
Federal ayaynu qaadaney waa sidda Dastuurkeena ku xusan bal waxaa iswaydiin mudan Sidee Federalku noqonayaa , Waxaan ka sugaynaa Baarlamaanka Soomaaliya in ay soo diyaariyaan habka Federalka Soomaaliya noqonaayo.... ....................."Madaxwaynaha Soomaaliya
Doodda
Saalax : Waa Qabyaaladdiiste Madaxwaynuhu
Jimcaale : Madaxwaynahu waa Madaxwayne Soomaaliyeed ee aflagaaddaada ka daa.
Saalax : Jimcaale haddee annigu halkaan waan wada joogney waxaad ahayd ragi laga fariisan waayey kolki Madaxwayne Hebel joogay , Maxaa maanta Isbadaley .
Jimcaale : Markaas dalka Itoobiyaan ayaa qabsadey xaq ayayna ahayd in la iska celiyo lagana hortago .
Saalax : oo itoobiyaanki saw kuwan hadda jooga , waagaas iyo maanta , maanta ayay ciidamadda ajaanibtu ku soo bateen dalka xataa Kenya ayaa joogta ee Maxaa loo diidi waayey ?
Jimcaale : Soomaaliya dawlad rasmi ah ayay heshay ee mucaaradnimadda jooji .
Saalax : Mucaaradnimo ma jirtee Jimcaale Madaxwaynuhu waxa uu diidan yahay Nadaamki lagu heshiiyey ee Federaalka , Marka Madaxwayne dastuurki lagu soo doortey diiddan hadde ilama ahan in wax ka soo naasa cad yihiin dawladdaan .
Jimcaale : madaxwaynuhu Federaal ayaan diidanahay ma oran ee sidee Federaalku noqon ayuu yiri ........
Dar dooddeed kale , Puntland & Ximin iyo Xeeb.
Waa laba Soomaaliyeed oo u kala dooddaaya Ximin iyo Xeeb iyo Puntland , Puntland aminsanuhu waxa uu rabaa in uu ka fogeeyo Puntland la mitaal yeelidda Ximin iyo Xeeb , Balse arrinku isku meel ayuu ku biyo shubtey oo Maamuladdu waa kuwo siman , Dhulka kala wayn , kalana fac wayn .....
Cawaale: Madaxwayne Tiiceey ayaa Caddaado ka soo dagey
Xaydar: War yaan Madaxwaynenimadda meel looga dhicin
Cawaale : Lakiin Faroole Waa Madaxwayne saw ma ahan ?
Xaydar : Hadde Madaxwayne Faroole dadkiisa ayaa doortey dalka intaad aragtey
le,eg ayuu maamullaa ee Maxaad isugu soo celinaysaa wiilka tuuladda
ka arrimiya waxa loo samayeyna waan ognahay waxaad sheegayso.
Cawaale: Puntland iyo Ximin iyo Xeeb waa laba Maamul oo Soomaaliyeed
Waa jirta in dhulalka labadda Maamul kala wayn yihiin
Xaydar : Walaal dawladda Puntland dadka Deegaanaddaas oo dhan ayaa samaystey
kana tirsan madaxda dawladda Puntland .
Habka Federalka ee dastuuriga ah ayay buuxisey oo waxay ka
arrimisaa dhowr gobol ee maxaad Ximin iyo Xeeb ulla mitaal dhigi
hadaysan kaa ahayn xumaan
Cawaale Sharciyadda labadda maamul ku dhisan yihiin waa habka qabiilka Puntland dadka
dhistey waa dhowr qabiil ,Ximin iyo Xeebna waa dhowr Qabiil , Waxaasu waa
Waxa dalka wareeriyey war haddii aysan ximin iyo xeeb iyo Puntland isku mid
ahayn marka laga yimaaddo kala horaynta dhismaha labadda maamul iyo
Deegaanadda oo kala wayn Maxaa Garsoor gaalkacayo iyo Baraxleey Galkacayo
Labadda maamul uga kala arrimiyaan ma sheekaddiina ayaad ii waddaa anniga
Puntland waa Maamul qabiil ximin iyo xeebna waa Maamul Qabiil .
Xaydar -----> Beesha caalamkaa Puntland Aqoonsan
Cawaale-----> Waan naawilaynaa aqoosigaas haddaan Reer Ximin iyo Xeeb nahay
Xaydar: Dawladda Soomaaliya Puntland qayb wayn ayay dhismaheedda ka qaadatey
Cawaale: Waa wax wanaagsan
Xaydar: Habka Xisbiyadda baddan ayaan u guuraynaa haddeer Sida Somaliland
Cawaale: Annaguna Mustaqbalka dhow ayaan ku talla jirraa hannaanka Xisbiyadda Baddan
Xaydar: Dastuurku laba Gobol iyo in ka badan ayuu qabaa in ay Maamul dhistaan
Cawaale:Mudug iyo Galguduud deegaano ka mid ah ayay ka arrimisaa Ximin iyo Xeeb....
La soco qaybta xigta, oo aad soo dhamaynta ku daalacan doonto , Haddi Mulkiilaha labadda Daarood Kor Haaye (Eebbe) Ogolaaddo - Dood Dareen Siyaasaddeedka Soomaalliddu la Nooshahey.