Xiddigaha Barca Oo Dalbaday In Haween Laga Wada Dhigo Shaqaalaha Ka Shaqeeya Diyaarada Ay Ku Duulaan.
Xiddiga kooxda Barcelona ayaa dalbaday in duulimaadkooda ciyaaraha ay martida yihiin in diyaaradaha shaqaalahooda laga dhigo haween sababtoo ah waxa ay in badan soo jiiteen dareenka shaqaalaha dhediga ah ee ka shaqeeya diyaarada ay isticmaalaan.
Kooxda ayaa ciyaaraha martida ah waxaa geeya shirkada diyaarada ee ay heshiiska kuwada jiraan ee Turkish Airlines, lakiin shaqaalahooda raga ah ayaa inta badan mashquuliya xiddigo sida Lionel Messi iyo Andres Iniesta iyagoo codsanaya in sawiro ay la galaan ama in wax loo saxiixo.
Wargeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet Daily News ayaa yiri:
“Shaqaalaha raga ah ee ka shaqeeya diyaarada ayaa mar walba weydiistaan saxiixyo iyo maaliyado ciyaartoyda adduunka laga jecel yahay sida Lionel Messi iyo Andres Iniesta, taasoo ugu danbeyn dhibaato ku noqotay madaxda kooxda.
“Diyaarada Turkish Airlines ayaa sidaasi darteed u balanqaaday Barcelona inay soo xushaan shaqaalaha la shaqeynaya, iyagoo u soo bandhigay ilaa iyo 20 haween ah, kuwaasoo caawinaya ciyaartoyda marka ay duulimaad ku jiraan.”
2010kii ayay Turkish Airlines noqotay diyaarada rasmiga ee Barcelona, waxaana ay leedahay xuquuqda ay ku geyn karto garoomada martida ay ka yihiin Spain dhexdeeda iyo adduunka intiisa kale.
Manchester United ayaa qandaraas sidaas oo kale ah kula jirta Turkish Airlines, xiddigaha labada kooxood ayaana ka soo muuqday xayaysiinta diyaarada.