Yaab: Naag Hindi ah oo 24 sano dagaal ugu jirtay sidi ay dadkeeda ugu dhaadhacsiin alehyd in ay nooshahay
Tani waa sheeko ku dhacday haweeneey Hindi ah taasi oo lagu guursaday iyada oo 12 jir ah isla markaana canugeeda curudka ahaa shashay iyada oo 19 jir ah, waxay ka baxsatay seeygeeda iyada oo 23 jir ah kadibna waxay la iclaamiyey in ay geeriyootay iyada oo 40 jir ah.
Asharfi Devi, hada waa 64-jir waxaana ay ku qaadatay in ay dadkeeda uga dhaadhacsiiso in ay nooshahay mudo 24 sana ah, laakin dadaalkeeda waxa aaqirki ugu suura gashay in ay bishi May ee sanadkaan 2012 kula midowdo gabadheeda.
Taasi waxa ay ka danbeysay ka gadaal marki ay Maxkamada Golaha Xaafada ee deegaanka ay kasoo jeedo xukmisay in ay iyada tahay.
Asharfi Devi waalidiinteeda ayaa u guuriyey nin beeraleey ahaa oo isna ka tirsanaa dadka deegaanka Barun kana tirsan degmada Rohtas ee ku taala gobolka waqooyiga India ee Bihar sanadki 1960-ki, ninkaasi waxaa la oran jiray Ram Janam Singh.
Deegaanada miiga ah ee India, guurka inta badan maba la diiwaan geliyo sidaasi daraadeed Asharfi Devi ma heysan wax dukumintiyo cadeynaya guurkeeda laakin waxay xaqiijisay oo ay dadka ku qancisay in guurkeeda uu ahaa laba iyo toban jirkeedii.
Waxa kaliyah ee ay guurkeeda ka xasuusatay ayaa ahaa in maalinti la aroosayay ay labisneydsaari gaduudan oo ah marada ay caanka ku yihiin dumarka India isla markaana xafladeeda arooska ay ka darneyd heeso barigaasi la xiiseyn jiray oo kusoo baxa aflaanta Hindiga.
Iyada oo ka sheekeyneysa sababta ay uga carartay ninkeeda, ayey sheegtay in ay aad uga naxday marki ay ogaatay in odaygeeda uu qabo xaas kale taasi oo xaaraan ka ah dadka aanan heysan diinta Islaamka ee dalka India.
Laakin arrintu sidaasi ma aheyn ee odaygeeda wuxuu u sheegay in ay ka xijaabatay xaaski hore iyaduna ay tahay xaaska labaad ee Ram Janam Singh, kadib Asharfi Devi waxay hooyo noqotay iyada oo 19 jir ah markaas oo ay dhashay gabadh.
“Afar sano kadib marki aan dhalay gabadheeyda aabihi guriga wuu naga haajiray meel uu aadayna ma garan, intaasi kadib waxaan la noolaa qoyskeeyga,” ayey tiri.
Kadib sanado, Asharfi Devi waxay noqotay xaaladeedu mid qasan kana sii xumaatay sidi awal hore maxaa yeelay ninki qabay ayaa maxkamad ku taalo degmada Sasaram ka cadeeyey in xaaskiisa ay geeriyootay isla markaana sameeyo warqado cadeymo been abuur ah, kadibna guursaday xaas kale oo sadexaad.
Cadadka dukumintiyada uu ku sheegay ninkeeda in iyada ay ka dhimatay waxay ku taariikheesneyd 30 December 1988.
“Marki aan jiray 40 waxaan aniga iclaamiyey in aan si rasmi ah u dhintay,” ayey tiri Asharfi Devi.
Laakin xaajada ayaa ku xumaatay gadaal ayeyna uga shalaysay qaladka ay nafteeda ka gashay oo ah in ay shaacisay geerideeda iyada oo nool, waxaana marki danbe ay bilowday dagaalka ah in ay ku cadeyso in ay nooshahay.
Waxay u dhawaatay booliska, siyaasiyiinta iyo waliba maxkamadaha.