MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DHAMBAAL KU SOCDA MADAXWEYNAHA) Haduu dhanbaalkaygu gaaro madaxwaynaha waxaan usheegi lahaa!.


Haduu dhanbaalkaygu gaaro madaxwaynaha waxaan usheegi lahaa!.

Waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magacii naxariis iyo nabadgalyo Nabi Maxammad korkiisa ha ahaato intaa ka gadaal.
Afeef: Qoraalkaan wuxuu ka turjumayaa ku dhiiranaanta inaan guto waajibkayga shareecadu isiisay ee ah in loo naseexeeyo madaxda.
Dhanbaalkani muxuu yahay!.
Dhanbaalkaygan waxaan u dirayaa madaxwaynaha Mudane Xasan Sh Maxammuud ee anaga noocusub laakiin qadarta ilaahay laga qoray intaan la uumin khalaa'iqda ama makhluuqaadka. Waxaan u adeegsaday anaga noocusub waa inaan ogaysiiyo asbuucii hore inuu ahaa shaqsi kamid ah shacabka Soomaaliyeed, haday ogaan lahaayeen dad badani ay isku dayilahaayeen inay horay usii dilaan,laakiin Rabbigeen swc wuxuu qadaray intaas oo sano ayaad nagu dhexnoolayd dadkana kaama aanan aqoonin, adiga laftaaduna maadan ogayn inaad madaxwaynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya tahay. taas ayaa igu ka liftay inaan ereygaas adeegsado iyo waliba waxa uu xanbaarsan yahay eraygani oo ah " Annaga noocusub laakiin ilaahay agtiisa laga qoray marhore". qoraalkaygu wuxuu ahaan doonaa Sadexdan qodob ee soo socda.
• Maxadwayne maxaa laguu doortay.
• Ilaahay muxuu xukunka kuugu dhiibay.
• Hadaad gudanwaydo waajibkaaga maxaa dhicidoona.
Maxadwayne maxaa laguu doortay?
Waxaa hubaal ah Hooyada geedka hoostiisa harsanaysa ee biyala'aantu hayso kolalka qaar iyo Hooyada Aqal kashkaashan dhexdiis joogta inay kuuwada hanwayn yihiin. hadaad ka dhabayso wadadii toosnayd ee aad kasheegtay Golaha shacabka dhexdiisa ducadooda ayaad helaysaa, waxaad kaloo helaysaa garabkooda, waxaad helaysaa damiir iyo dadnimadooda.
Maanso aan tiriyay 13-07-2012 qaybteeda u danbaysa ayaan ku sheegay shaqsiga soomaaligaa ruuxa uu dooran lahaa, waxaaka mid ahaa meerisyadaan.
Agoostana waxaansugi
Aqoonyahan dulqaadiyo
Aqli buuxa haystoo
Aayadaha quraankiyo
Axaadiista nabigana
Adeecoo aan baalmarin
Aqal noo unkaayoo
Ardaa naga cufeeyoo
Aburaaya weelkoo
Godimaha afeeyoo
Dhaan aroorinaayoo
Awrta rari yaqaanaa
Eebbe aan ka tuugoo
Agoomuhu sugaayaan
Albaabada inuu furo
Aamiin allahayoow
Aamiin allahayoow

Ilaahay muxuu xukunka kuusiiyay.
Waxaa marag madoonto ah in Allaah swc uu xukunkan kuugu dhiibay inaad raacdo wadadii Nabi Maxammed csw oo uu raali kayahay Rabbigeen. wadadaas waxaa ku sugan waxyaabo dunida maanta aan laga aqoon, waxaana ka mid ah. Cadaalad, sinaan dadka dhexdiisa ah oo aan lakala sarayn, ehelkaaga iyo shabackaagu inay u sinaadaan xuquuqda. Waxaa iyana hubaal ah inaad gashay imtixaan lagaana doonayo dadka oo idil inaad ku xirto Rabbigood kuna dhaqdo shareecada Islaamka. intaa hadii aad latimaado waxaa kaadhacaya dunida intaad saaran tahay waajibkii ku raacay maalinkii aanu kudooranay laakiin Rabbigeen xagiisa khalaa'iqda oo aan la uumin laguuqoray. Waxaana tusaale aad ka dhigataa kuwii adigga kaa horeeyay ee mulkiga Rabbigeed la doonay sidaad waa nabi Sulayman cs iyo nabi Yuusuf cs. tusaale ka dhowse aan kusoo xasuusiyo sida Abu-bakar rc, Cumar , Cuthman, Cali iyo waliba Cumar binu-Cabdicaziiz.
Hadaad gudanwaydo waajibkaaga maxaa dhicidoona.
Sida Rabbigeen swc inooku cadeeyay Qur'aanka kariimka ah tusaalooyin badan dad uu mulki siiyay waxayna u qayb sameen laboqaybood. Duul ama qoom ku mahadiyay xukunka uu siiyay iyo imtixaanka la imtixaanay oo dabadeed la yimi wixii waajibkoodu ahaa. amaba aan oran karno shaqadoodii guri ee fasalada dunida lagasiiyay ayna macalimiinta ka yihiin Nabi Maxammed csw iyo Ibliis ama Shaydaan. qolada mahadiyay Rabbigood waxay raaceen fasalka Nabi Maxammed csw wayna ku liibaaneen aduun iyo aakhiraba. Laakiin hadii Illaahay kaama yeelo'e aad casharka ka qaadato fasalka uu dhigo shaydaan, waxaad bishaaraysataa inaad khasaartay aduun iyo aakhiraba tusaalena waxaa u ah. Inta Qur'aanka inooga sheekeeyay ee Fircoon lahaa iyo Qaaruun. amaba aan tusaale dhoow kusoo xasuusiyo'e Qadaafi lahaa iyo Mubaarak oo sida hada ka muuqata toobadkeenay laakiin Aaaaaaway mulkigii iyo qasriyadii loo ekaysiiyay Jannada gaalshire ama jeel ayuu ka joogaa Mudane Madaxwayne dunidu waataas.
waxaan kusoo gunaayadayaa Allaah swc waxaan kuu waydiinayaa inuu kuu sahlo xilka wayn ee aad qaaday kaanadhigo kuwa fasalka Nabi Maxammed casharka ka qaata. Amiin Amiin Amiin
Mahadsanid
Jaabir Xuseen Gacayte
Geedka Dhamasa Hoostiisa
Facebook: Jaber Gaeyte

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,582,693 unique visits Top