Xildhibaanka Laga Soo Doorto Deegaanka Kamakunji ee Nairobi oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Yuusuf Xasan Cabdi oo ah Xildhibaan Kenyan ah lagana soo doorto Deegaanka Kamakunji ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo Dalka Soomaaliya.
Yuusuf Xasan ayaa Umada Soomaaliyeed kala hadlay Idaacada Star FM ee Magaalada Nairobi , waxaana uu farxada Ciida la qeybsanayay umadaha Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kastav ay ku sugan yihiin.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa ciida, waxaana leeyahay ciidan teeda kale Allah ha idinku gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo’ayuu sheegay Xildhibaan Yuusuf Xasan.
Ugu dambeyna Xildhibaanka oo laga soo doorto Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa ka codsaday Soomaalida ku nool Islii inay ka qeyb qaataan sugida amaanka xaafadadaasi.