MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr Saacid oo Hambalyo ku aadan Ciidul Adxaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed
Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa hambalyo u diray sbhacabka soomaaliyeed , isagoo ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed Ciidu Adxa oo ka tirsan maalmaha ugu farxada badan caalamka islaamka.

Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Dul-Xaj waa in la badiyo Alle ka Cabsiga, lays Cafiyo, lana walaaloobo iyo in umadda Soomaaliyeed ka shaqayso dib u heshiisiin dhab ah dalkeena ka hirgasha” ayuu yiri Cabdi Faarax Shire isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad cusb oo shacabka Soomaaliyeed ay heleen dowlad rasmi ah.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u garab istagi lahayeen dowladooda,waxaadna ogaataan inaysan suurta gal ahayn inaan qaadno talaabo lagu xaqiijinayo horumarka dalka hadii aanaan gacan ka helin shacabka Soomaaliyeed sidaas daraadeed, waa inaan awoodiina iyo maskaxdiina isugu geeysaan sidii dalka loo samata bixin lahaa “

Marxaladda maanta dalku marayo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faidaysataan marxalada cusub ee dalku galay waxaana maanta ku faanaynaa in somaaliya leedahay dowlad rasmi ah dalkana intiisa badana laga xoreeyey Alshabaab, sidaas daraadeedna, dowladu tilaabooyinka ugu horaya oo ay qaadayso waa sidii loo xasilin lahaa gobolada dalka loona dhisi lahaa maamulo dadka degan deeganadaas ay raali ka yihiin, .

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh taas oo dalka ka saarta meesha uu maanta marayo, waxaana ka rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay igu garab siin doonaan aniga iyo Xukuumadayda cusub sidii aan u fulin lahayn waajibaadkeena shaqo.
Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr.

-DHAMAAD -
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,499,538 unique visits Top