Kala carar ka dhacay goob lagu tukan rabay salaadii Ciida ee Baardheere ka dib diyaarad..
Sida Wararka ka imaanya Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka degmadaas aan si wanaagsan looga ciideynin, ka dib markii dadweynaha halkaas ku nool uu ku dhacay khal khal ka dhashay dayuurad dagaal oo lagu arkay hawada degmadaas xili la doonayey in la tukado salaadii ciida Adxa.
Waxaa Goob joogayaal ay sheegaya in mar kaliya laga cararay goob ku yaala degmadaas oo ay iskugu soo urureen saaka dadweyne fara badan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ka hor inta aan la tukan salaadii ciida ka dib markii goobtaas ay soo dulmartay dayuurad dagaal oo joog hoose ku socota.
Wararku waxay sheegayaan in xoogaga Al-Shabaab ay rasaas kala duwan ku fureen dayuuradaas dagaal ee soo dulmartay degmada Baardheere, waxaana khal khal badan uu ku yimid degmadaas, iyadoo dadweynaha ay dareemeen jahwareer xooggan, mana cadda illaa hadda in dayuuradaas ay duqeyn geysatay iyo in kale.
“Xiliga kala cararku dhacayey waxaa khudbado ka jeediyey goobta saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo dadweynaha wacdiyo diini ah halkaas uga jeedinayey hase ahaatee dayuurad dagaal oo joog hoose ku socota ayaa soo dulmartay magaalada, ka dibna waa la kala firxaday, iyadoo aan salaadiiba la tukan” ayuu yiri goob jooge ka mid ahaa dadweynaha degmadaas.
Degmada Baardheere ayaa waxay tahay degmada kaliya ee gobolka Gedo ay ka joogaan Xarakada Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer ku soo laalaabtay duqeymo ay ka geysteen dayuurado dagaal oo dhowr goor oo hore halkaas weeraray, iyagoo khasaarooyin kala duwan.