Qaaar ka mid ah Waalidiinta Soomaaliyeed oo ka cabanaya telefanada oo Qaati ay uga taagan yihiin caruurtooda.
Qaar ka mid ah Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya caruurtooda oo ay qaadi uga taagan yihiin isticmaalka Taleefanada, gaar ahaan nooca gacan qaadka ah ee loo yaqaano Mobile-da.
Waalidiinta qaarkood ayaa ku doodaya in caruurtooda ay caqabad ku yihiin Mobile-da ay isticmaalayaan, kuwaasi oo mararka qaar ay sheegeen in ay Waalidiinta ku qasbaan caruurta in loo iibiyo Mobile- iyo Sidoo kale Memory Card, si ay uga daawadaan aflaam ama heeso.
Waaladiin kale waxa ay leeyihiin Mobile-ada aya sahla in dhalinyada oo hablo iyo wiilalba leh ay isku balansadaan taleefanka, taasi oo meesha ka saareysa in waalidka ay caruurtooda xakameeyaan.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaadey in dhalinyada ay waqtigooda ugu badan ku mashquulaan taleefanadooda oo ay heeso ka daawanayaan ama ka dhegeysanayaan ama wicitaano qof ay lamaane yihiin. taasi oo ku keeneysa in qofkii howshii looga baahnaa haleeli waayo ama waxbarashadaba ku hagaagi waayo.