(DAAWO VIDEO) War Deg Deg AH Sheekh Shariif Sheekh Axmed maxuu ka yirii Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynihii Dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhaw Khudbad ka jeediyay Madasha ay ka dhaceysay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee caawa looga guuleestay.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay ku qanacasn yahay Doorashadii dhacady iyo sidii codadka loo dhiibay uuna u hogaansan yahay Doorashada meesha ka dhacay uuna al shaqeyn doono Madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in wax lagu farxo tahay in 42-sano kadib Gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Doorasho xur ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan Madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud isagana uu garab taagnaan doono talo iyo Tusaale.
Waxa uuan Madaxweynihii hore Soomaaliya Taliyaasha kala duwan ee Ciidanka Qalabka siday ku amray in waxii hada kadib talada ka qaataan Madaxweynaha Soomaaliya si uusan u dhicin dal dalool dhinaca amanaka.